3 WAYS TO BE MRE PRODUCTIVE

3 WAYS TO BE MRE PRODUCTIVE

3 WAYS TO BE MRE PRODUCTIVE Waxaan jeclaan lahaa inaan idin la wadaago sadex fikradood oo qof ku haduu sameeyo ka dhigi kara qof More Productive ah, qof wuxuu qabanaayo u qabta sida ugu haboon wakhtiga ugu haboona ku dhameeya howshaas ee aan ka caajisin kana mashquulin, Qof Mudo dheer howl wada kara si joogta ah. 3 WAYS TO BE MRE PRODUCTIVE

Noqoshada Qof uu wax soo saarkiisu aad sareeyo waxaa ugu muhiim san adigooo Ilaaliya wakhtigaaga ugana faa’iidaysta sida uga macaquulsan, mar walba o uusan wakhti kaa lumin ogow inuu wax soo saarkaagu badanaayo. Sadex daaan qodob ee aan soo xulayna waxay kuu noqon doonaan fure aad ku noqoto Productive Person

 

   Productive procrastination

Daawashada Baraha bulshada  dhalin yaro ahaan waxuu ka mid noqday quutul daruurigeena oo waxaan  ku luminaa wakhti aad u dheer maalin walba daawashadiisa. Xiligaasna waxaa hubaal ah in howl mihiima oo ku hortaalo aad Dib u dhiganayso, hadii aad nafta cadaadis saartana  waxaad  luminaysaa tamar maskaxeed mana fiicna inaad lumiso mental energy gaaga.

Haddadba sidee looga faa idaysan karaa wakhtigaa adigoo daawanaya isla social media

  • Dooro Platform yada social media kuwooda wax tarka leh sida YouTube
  • Ka baar wax yaalo wax tar leh sida buugaag cod ah, Taariikho  iyo wixii lamida
  • U samayso Playlist aad mar walba oo ay xaaldaan dhacdo aad sook al furato

Aniga haan waxaan door bidaa YouTube oo waxaanba u arkaa inuu ii yahay library aan igahayrayn  

Downtime productivity

Wax jira wakhti yar oo aysan dadku ku baraarug sanayn haddana leh faa iido badan waxaa ka mida faa iidooyinka uu leeyahay in aysan naftu marnaba ka caajisi Karin howshaad qabnayso wakhtigaas.

Wakhtigaan aadka  u cajiibka ah  waa wakhtiga  aad wax sugayso oo adan waxba qabanayn, ka sooq aad inaad shaqayso inta aad shaqadaada usii socoto oo aad baska sii saran tahay weeye  ama waxaad la balan sanayd qof, qofkas inta aad sugaysid  waxba maqabaynsid hadii nafta bartid inaad ka faaii daysato waa xaqiiq inaad guulo la taaban karo ka keenaysid wakhtigaan

3 WAYS TO BE MRE PRODUCTIVE

 5 minutes Rule

Boqolaal qof oo inaga mida waxaan bilownaa howl  hadana ma dhamaystirno oo ma gaarno gunta Project gaas aanu iba furnay. Taasna waxaa loo sababayn karaa inaga oo aan u diyaarsanayn qabasha howl wakhti dheer soconaysa, lakiin marka ay noqoto howl laba ama sadex maalmood ku soo gabagaboobaysa ay noo fududahay 100%

Tusaale ahaan waxaad bilowday inaad jirkaaga dhisto Asbuuca u horeeya waxaa maskaada buux dhaafinaaya xamaasad iyo rabitaan aad u hayso tagida jiimta, asbuuca labaad waxaad  arkaysaa inay naftu ka caajisayso. Oo labada saac ama halka saac ee ay joogayso ay dhibsanayso.

3 WAYS TO BE MRE PRODUCTIVE

Mushilkadaan waa mushkilad ay dadku intooda badan xal u waayeen fikrad kasta oo ay bilaabana fashil ku soo afmeera. Hadaba hadii aad 5 minutes rule aad la saaxiibto waxaad hubaal inaad jabinayso darbiga kaa hortaaga qabashada howshaas

 5 minutes rule ku waxaa weeye marka aad aragto inuu culays kaa saran yahay howshii aad qaban lahayd, ha is canaan oo nafta la diririn kaliya waxaad is dhahdaa 5 daqiiqo bas ayaan howshaas qabanaya marka ay dhamaato 5tii daqiiqo iska jooji maalinta xigta sidoo kale 5 daqiiqo haba dhaafsiin. Ugu danbayn waxaad arkaysaa adigoo jabiyay xayndaabkii caajiska iyo wahsiga

Ugu danbayn wakhtiga waa waxa ugu qaalisan ee aad haysato fadlan ka faa iidayso  

3 WAYS TO BE MRE PRODUCTIVE

   

2 Comments

  1. abwanholac

    Maasha allaah

  2. abwanholac

    Macalin guulayso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *