5 Qodob oo kaa Caawinaaya in aad online wax ku Baratid

5 Qodob oo kaa Caawinaaya in aad online  wax ku Baratid

Waxaa la joogaa waqti ay wax barashu taalo Goob kasta goor kastana aad baran kartid Si  iskaa ahna aad isku bari kartid  iyadoon wax macalin ah ku hor taagnayn. Marka aan leeyahay macalin ala’aan waxan uga gol-leeyay waxbarasha E-learning ka ah, taas oo laga helin  karo kumanaanka kun ee website ee dunida ka jira.

Waa xaqiiq inay fudutaaday, laakiin Boqolkiiba inyar ayaa ka miro dhaliya oo si wanaagsan uga barta online ka wax barasho. Taasna waxaa lo sababaynkaraa inaynu nafsiyan uga aajisto ama aynaan kalahayn madaada anu baranayno Hadaf dheer.

Maqaal kaan waxaankugula wadaagi qodobo dhowr ah oo kaa caawin doona inaad wax ka barato internet ka, waan hubaa inaad ka miro dhalinayso oo aad gari doonto hadaf kaaga hadii aad u raac qodobadaan sida ay yihiin

Q.1 Qayb qaybinta  wakhtiga  iyo Xadidaadiiisa

Wakhtigu waa waxa ugu qaalisan ee uu haysto qofka bini aadamka ah, 24 ka saac ee maalintu tahay sida uu u maamulo ayay noloshiisu e kaan doontaa.  Qodobkaan qayb qaybinta wakhtiga  waxa uu kaa caa win doonaa  inaanay saacad qura ku dhaafin ee aad sida ugu haboon uga faadiisto. Tusaale ahaan ukala qayb qaybinta Xilli Hurdo, Xilli nasasho, Xili wax barasho, Xilliyo Madaadalo iyo wixii lamida

Xilli ga gaarka ah ee  aad u cayintay Wax barashada waa inaad sii kala jajabisaa oo saacadaha aad wax baranayso aad dhex galisaa nasiino yar. Tusaale ahaan waxaa u qoondaysay inaad maalintii sadex saaac aad wax barato, sadexdaa saac u qaybi sadex  meelood oo halkii sacad ba 40 Daqiiqo wax baro 10 Daqiiqo  nasasho gaaban ka qaado si ay sayn naftu udaalin. Mar walba oo aad  wax baranysana waa inaad wakhtigaas oo kaliya  barataa, marka uu wakhtigaasu dhamaadana waa inaad joojisaa inta laga gaarayo maalinta  kale isla wakhatigii  

Q.2 Lajaan qaadida arday kale

Waxaa la isku racsan yahay in ay naftu daasho kana caajisto qabashada howl marka aysan qof kale challenge garaynayn, Sidaa daraadeed raaso arday aad isku wax baranaysaan Si aad isku dhiiri galisaan ugana miro dhalisaan hadafkiina.

Haddi aad ka waydo qof aad isla janqaadi kartaan goobta aad ku sugan tahay , Waxaad heli kartaa boqolaal qof oo xiligaas youtube live ka ah si ay wakhtigaas waxa barantaan. Muhiim mahan inaad isku wax baranaysaan iyo inkale ee muhiimdu waa inaad isku waqti  u xaadirtaan una fariisataan wixii aad baranayseen , taasi waxay ka dhigan tahay inaad samaysatay class aad adigu macalin ka tahay ardaygiina uu adiga yahay

Q.3 Samayso Note

Marka aad wax baranaysao waxaa lagama maar maan ah inaad   eedahay note kaas oo aad wax ku qorato, kuna qoro waxa yaabah aad u arakyso inay muhiim kuu yihiin

Q.4 Xaddidaada nafta

Qof walba oo dhalin yara ah wuxuu haystaa telefoonadan casirga ah kaas oo uu u arko inuu yahay  ah saaxiibkiisa horeeya.Teleefoonkaas waxaa inoogu jira Social Media qaybihiisa kala duduwan kuwaas oo ka mashuulin kara wakhtigii aad u goysay waxbarasha, sida darer inta lgu guda jiro wakhtigaas iska dami teleefoonka ama adeegso qaabkale oo aad ku xadiidi karo.

 Qodbkan xaddidaada naftu waa qodobka ugu mihiimsan ee aad ku gaari karto guul la taab karo, Waxaase hubaal ah in uu yahay qodob ka ugu adag wakhtigaan l ajoogo.

 Q.5 Joogtayn

Marka iskuul, jaamcad , ama goob kale ee loo tago wax barasho aad wax ka baranayso maalin walba waad tagaysaa, waayo waxa ajooga macalin ku la xisaabtamaya. Lakiin  markay tahay iskaa isku bar waxaa macaquul inaad maalin barato malinta xigta nafta aad ku qanciso wili wakhti waad haysataa oo biri ayaad halkii ka sii wadi doontaa.

Taasi waxay dhabar jab wayn ku tahay hadaf kaagii mana uu noqon doono mid aad ka guul gaaritid. Sidaa daraadeeed waa inaad joogtaysaa oo aadan malina ka caajisin

Shantaan qodob waa shanta qodob ee aan ku dabaqo wax walba oo aan baranaayo. hadiii ay jiraan qodobo kale oo aad nagu siyaadin lahayd fadlan nagula wadaag qaybta faalada mahadsanidiin 

5 Comments

  1. Kadar

    Masha alaah waa 5 qodob oo faa ido leh ustaaad ilahay ha kaa abaal mariyo

  2. Ahmed Haadi

    Carshada dhiiri galinta leh fadlan noo soo badi

  3. Nawal Hassan

    5 qodob oo dhiiri galin wada
    MashaAlah

  4. C.naasir

    Qodobka joogtaynta waa qodob aad ii dhiba ?????

  5. Maxamuud

    Maasha allaah macalin guulayso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *