“Burnt Hair” Cadarkii Caraftiisa ka dheereeyay

“Burnt Hair” Cadarkii Caraftiisa ka dheereeyay

“Burnt Hair” Cadarkii Layaabka lahaa Cadarkan loogu magac daray timo gubtay oo ay soo saaro Shirkada Boring Company wuxuu noqday mid la yaab leh Maadaama isagoon suuqa soo galin la sii gatay wiliba cadad aad faraban.

Qiimaha ahaan cadarkaan kama qiima badana cadarada qaar oo waxaa lagu soo bandhigay 100 doolar taas oo ka dhogaysa in ay jiraan cadaro badan oo ka qaalisan. waxaase layaab leh isagoon wili suuqa soogalin oo aan xataa la qiyaassi karin urtiisa in la sii gatay in kabadan 20 kun oo xabo hadde waa labaadan kun oo xabbo.

Elon musk ayaa u sameeyay xayasiin cadarkaan taaso noqotay suuq gayn aad u awood badan. wuxuu bartiisa Twitter soo dhigay sawirka cadarkaan. Saacado kadibna waxaa qasnadda shirkadaas ku dhacay lacag dhan 1 milyan doolar. oo cadar aan la arkin, cadar aan wili miiska lasoo saarin lagu gatay. Waxaa kaloo layaab leh cadarkaas dadka soo dalbaday in loo kala diraa ay bilaabanayso qaybta hore sanadaka soo socda waa bilaha labaad iyo sadexeed ee 2023 wixii loo gaaro Cajiib dheh.

Kasokow ku soo bandhigii Twitter ee Elon Musk waxaa jiray article ay ku soo qortay Shirkada Boring bogiisa hore eeWebsite keeda kaas oo ay ku buun buuninaayeen cadarkaan “Burnt Hair” waxaa ka mida ahaa qormooninkaas

“Jawigu wuxuu ka dhigan yahay sida adoo ku dangiiga shumac miiska casahda dushiisa haddana aan qabanin howshaas adayga badan”

Si aad qayrkaa u dhaafto ha lagu soo war galiyo adigoo airport ka dhex socda

Cadarkaas aan wili la arag lana qiyaasi karin urtiisa waa lagu qamaamay, isgoo aad moodid Elon Musk inuu ugu faanayo mihnadiisaas cusub ee ah ka aganacsiga cadarada ayuu soo qoray “qof aniga maqaamkayga oo kale jooga waa muhuraan aan laga fakan karin inuu suuqa cadarada soo galo” wuxuu shaabada isugu dhubtay inuu ka soo habsaamay suuqa darada. ilaa uu Twitter kiisii ku qoratay Caradoole ama cadar gade, intaas oo bunbuunin ah waxa uu u samaynayaa in la gato carakaas la ma arkan ka ah oo waa suuq gayn oo kaliya.

Wakhti laga joogo 4 saac suuq gayn tiisiii koobad waxaa lagatay 5.000 oo xabbo, afarsaac iyo bar kale kadibna 10.000 xabbo ayaa loo diwaan galiyay macaamiisha soo dal banaysa, farsaac kadibana elon Musk ayaa dadka la wadaagay inay gataan cadarkas si uu u gato shirkaad Twitter taas oo gor gortan ugu jiray inuu la wareegana ay u dhowdahay, Shan saac ka dibna waxaa hawada lugu dubtay 20.000 oo xabbo. Sidaasna waxaa lagu soo hooyay lacag dhan 2 milyan oo lagu gaday muddo 48 saac ah kayar product aan wili dunida imaan.

Elon Musk wuxuu dadka tusay shacabiyada iyo jamaahiirta uu haysto inta ay le egtahay. waxaa kaloo la orankaraa wuxuu fariin dadban udirayay dadka kula shirkoobi doona Twitter maadama uu leeyahay awood suugayneed oo xoog badan

Ugu danbayntii Akhristow aan ku su’aalee ma gadan lahayd cadar aadan wili arkin urkiisana aadan qiyaasi karin oo lagu yiri hadda ayuu dabka soo saaran yahay in uu kuu yimaadana waxay qaadanaysaa ugayaraan 6 bilood?

Comments

No comments yet. Why don’t you start the discussion?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *