Caadooyin ka ay Wadaagaan Dadka guulaystay

Caadooyin ka ay Wadaagaan Dadka guulaystay

Guusha iyo horu marku ma ahan wax hal maalin lagu gaari karo, inaad guul  la taaban karo ka gaarto noloshaada  waxay u baahan tahay inaad la timaado dadaal dheeraad ah karti iyo dul adayg ku waas oo aad uga gudbi karto dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku soo wajaha.

Markaad u fiirsato dadka ka guul gaaray noloshooda waxaad arkaysaa caadooyin badan oo ay isaga mid yihiin ama ay wadaagaan. Sidaa daraadeed waxaa la oran karaa caadooyinkaas ay ka siman yihiin waa waxa u horseeday ka ma miro dhalinta nolosha

Qormadaan waxaan  ku gu la wadaagi doonaa 7 caado oo ay ka siman yihiin dadka u guntaday wax ka badalka nolosha kana gaaray heer mudan in lagu daydo

1. Ka Ma suul noqoshada Naftooda

Hogaan ka naftooda ay hayaan oo waxay dhabarka u riteen masuuliyada  naftooda u ma fiir fiir sadaan waxay dadku ka sheegayaan ku mana eedeeyaan mashaakilada iyo dhibaatooyinka naftooda soo wajaha dad kale ha noqoto walaal, waalid ilaa saaxiib mashaakil kaasi dhankuu doono ha noqdee. Waxay naftooda ka dhex raadshaan xalka mashaakilada soo jaha dabadeena caqabadii soo wajahday ayaa u noqota cashar ay wax baan ka faa iidaan

2. Ah-daaf tooda oo ay qortaan  

Waxay qeexaan hadafka nolosha ay ka leeyihiin, oo waxay ku qortaan meel si uu maskaxdooda ugu soo laa laabto hadfkii ay qorteen, taasi waxay ka caawinaysaa inaysan marnaba ilaa win hadafkoodii

Marka uu hadafkaagu kuu qoran yahay, waxay ka wanaagsan tahay marka aad iska dhahdo hadaf ayaan leeyahay

3. Wax akhriska oo ay joogteeyaan  

Waxay koriyaan hab fikirkooda waxay koriyaan ma faahimta ay ka fahmaan nolosha waxay bartaan nolosha ka jirta deegaaka ay ku noolyihiin, waxay dib raacaan kumanaan sano oo la saadhafay wixii jiray, Intaas oo dhana waxaa u suurta galiya joogtaynta Akhriska.

Wax  akhris waa waxa kaliya ee maskaxda koriya, inaad hal maalin dhowr book akhriso waxaa ka wanaagsan inaad 5 bog kaliya si maalinle ah u akhriso

4. Ka mahadnaqa Waxay Haystaan

Waxay ka mahad naqaan waxa ay haysan waa dad ku qanacsan nolosha deegaan iyo nafsiyeedba oo waxay si maalin le ah uga mahad celiyaan waxay haystaan

Taasi waxay ka dhigtaa qofka mid gan oo ku jira jawi xasilooni ah mar waba oo ay jawi bilaa buuqa ku jiraana waxaa sii kordhaaya hab fikirkooda iyo talaabo qaadka nolosha ay horay u sii soconayaan

Waxaan macaquul ahayn in laba fikradoon oo ay midi taban tahay midna togan tahay ku wada kula maan maxkaxda daremyaashaas waxaa ka mida .

Dareenaka Warwarka VS dareenka Mahad-naqa

Dareenka baqdinta VS dareenka Mahad-naqa

Dareenka murugada VS dareenka Mahad-naqa

Waxaad haysato inaad ku mahad-naqdo diinteena macaan ayaa ina faraysa oo illahay Subxaanahuu watacaalaa ayaa ina leh La in shakartum la aziidana kum

5. Qorshaynta Waxay Qabanayaan  

Waxay qorsheeyaan waxay qabanayaan tusaale ahaan sanadku marku bilaabanaayo ayay sii qorshayst taan waxay qaban lahaayeen.

Qorshe sanadle ama 6 biloodle inad yeelato waxay ku ridi kartaa wada guusha

6. Dadka oo ay maal gashtaan

Bay’adda iyo dadka ay la nool yihiin ayay maal gashtaan, maal gashigu maahan kii dhaqaalaha waxay ku la dhaqmaan dabeecad wanaagsan.

Qodobkaan  fahan kiisa guud waxaan ku soo af meeri karnaa maah maahda soomaliga ah ee tiraahda wajigu waa baasa boor waxay dadka ka dhex samays taan wanaag iyo waal tinimo aan dhamaan

7. Fikradaha oo ay  ficil u badalaan

Wax ay ku fikirayaan waa dad u badala ficil oo ka dhabeeya fikir kooda. Waxaa la yiraahdaa qabrigu waa Meesha ugu qanisan dhulka waayo meeqa qof ayaa fikir toolmoon la god gashay oo laga yaabi lahaa haddii fikir kaas loo badali lahaa ficil inuu dunida wax  badan ka badali lahaa fikirkaasu.

Ugu dan bayntii marnaba ma go’ aamin kartid mustaqbal kaaga ee waxaad go’aamin kartaa caadooyin kaaga, Caadooyinkuna waxay go aamiyaan mustaqbal kaaga. Sidaa daraadeed samayso caadooyin wanaagsan oo mustaqbaal kaaga u hogaasha dhanka wanaagsan

Comments

No comments yet. Why don’t you start the discussion?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *