Go‘aan qaadasahda wanaagsan

Go‘aan qaadasahda wanaagsan

Waxaan had iyo jeer ku wareernaa qaadashada go‘aan inagoo ka walaacayna dhowr go‘aan hadba kii aan qaadan lahayn maadama aaynaan garan karin midka saxan. Bil xaqiiqa qofna ma ganran karo  markaas go‘aanka uu qaadanayo inuu yahay kii saxda ahaa ee ku haboonaa midkii ku hagi lahaa waddada guusha, laakiin waxaynu leenahay kala xulashada go,aanada si aynu u helno mid wanaagsan ee ku haboon mustaqbal keena danbe.

Maqalkaan waxaan idin ku la wadaagi doonaa 5 qodob oo aad ku dooran karto wax yaalaha mar kaas ku hor yaala ee aad rabto inaad  go’aan ka qaadato. Qodobadaani waa kuwo aan anigu tijaabiyay oo aan naftayda ku dabaqo markasta oo aan  raabo inaan go’aan qaatana waxaan mariyaa dhowrkaan qodob.

Qodobadaani waxay ii sahlaan in aanan ku wareerin xulashada wax yaabaha aan markaas rabo inaan kala doorto si aan ugala soo dhex xabo midka igu haboon anigoon wakhti badan luminin.

Qodobka koobaadi wuxuu yahay Iswaydii su aasha ah maxaan u qaadanayaa go’aanka? su aashaan jawab teedu waxay gundhig u noqonaysaa inaad fahanto ugu horayba muhiimada waxaad dooranayso muga iyo miisaan le eg yihiin mar walba oo aad fahanto waxaad rabtana waxaa kuu sah lanaanaysa inaad midka wanaagsan hesho.

Marar badan dadku ma oga go aan ka ay qaadanayaan taasina waxay sababtaa jaah wareer iyo iska daba wareeg halkaas waxaa wadkiis ku galay waktigaagii oo time badan ayaad los garoobaya.

Qodobka labaad wuxuuu yahay inaad List u samee wax yabaha aad rabto inaad kala doorato dhamaantood. qor oo haddana mid walba eeg oo duxdiisana shiil si aad u gaato wuxuu ku dhaxal siinkaro mustaqbalkaaga danbe

Qodobka sadexaad raadi oo baar dhamaan list gii aad soo samaysatay mid walba waxa uu ku waanaagsan yahay iyo wuxuu ku xun yahay. Tani waa muhiim waana seeska go aan ka aad rabto inad qaadato waa qodobka msuulka u noqon doona inaad qaadato go aan wanaagsan. hadda mahan go aan un ee waa kan guusha kuu horseedi kara

Qodobka afraad : Qodob kaan wuxuu yahay kala doorashada Option nadii ku hor yaalyay si aad u hesho go aanka wanaagsan. hadaba marka hore dib u milicsi samee oo u laabo labadii qodob ee qodob kaan ka horeeyay kana dooro midka aad is leedahay waa uu faa iida badan yahay

Qodobka Shanaad: qodobkaan waa midka aanku soo gababayn doono qodoabadaan shanta ah ee aan kaga hadlaayay go aan qaadashada wanaagsan. qodobkaan wuxu yahay ku dhaaqida go aan ka aad qaaday oo waa inaad ficil u badashaa go aan ka aad qaadatay

Gababadii qormadaan noloshu waa go aano badan qof walba oo bini aadam ah maalintii kaliya ayuu kumanaan go aan qaataa inkastooy go anadaasi yihiin kuwa yar oo mar soo boodada ah laakiin waxa aan ka hadlaynay ee aan 5 taas qodob ku so u ruurinay waa go’aanada waawaayn saamaynta ku yeelan kara mustaqbalka iyo jiritaanka

Og soonow waxaad msuul ka tahay go aadka ad qaaddanayso go aan kaasini wxuu laf dhabar u noqon karaa mustaqbal kaaga si daas dareed marka aad qo aan qaadanayso hanoqdo mid aad meelo badan iska taagtay oo aad sii hoose u lafa gurtay

Comments

No comments yet. Why don’t you start the discussion?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *