Sababta aan u doorto WordPress Markaa an Samaynaayo Website

Sababta aan u doorto WordPress Markaa an Samaynaayo Website

Marka laga yimaado Website yada ku dhisan Code ka waxaa jira Platform ya badan oo aadku dhisi karto website heer calami  ah, Sida WordPress, WIX iyo qaar kaleeto oo la mid ha. Dhamaan Platform yada aan soo xusay uma baahna inaad qorto code kaliya waxaad ku samayn kartaa waa drag and drop

Hadaba aan u daadago Muhiimadda aan u soo qaatay qormadaydaan Taas oo salka ku haysa su’aal iiga timida qaar kamida Customer aan horay ugu sameeyay website  anigoo istimaalaya WordPress, Su’aashu waxay ahayd maxaad ku doorataa WordPress marka aad samaynayso website ?

Waxaan rabaa inaa kuu iftiimiyo  dhowr qodob oo aan ku doortay inaan ku dhiso website yada WordPress

Q.1 WordPress oo ah free  

WordPress Waa Open Sousse Platform oo wax lacag ah ma dul saarna isticmaa lkiisa Marka laga reebo Themes ka iyo Plugin aad ku dhex isticmaalayso oo qaar kood lacag yihiin, laakiin intooda waa bilaash halka qaarkood ay leeyihiin qayb lacag iyo qayb free ah. Ogsoonow 90% waxaad heli kartaa Themes nad Plugin free ah oo aad kaga maarmi karto inaad ku wo lacag radiso

Q2 Popularity giisa oo badan

 Waxaa aad u badan  isticmaalka marka loo eego Platform yada dhiigiisa ah oo wakhti xaadir kaan 2022 43% website yada Dunidi ka jira waxay ku dhisan yihiin Wordparess. Waxaa laga ayaabaa in ay tiradu intaa is ka badasho dhawr sano kadib haddii aad tahay mid maqaal akhrisanaaya madaama uu yahay mid ku socda xowli sare oo xagga users ka ah ko

Q.3 Wakhatiga oo aad Save garaynayso

WordPress kagama baahna inaad Wakhti badan ku bixiso oo wax walba waxaad ku samayn kartaa si fudud waayo gabi ahaan tiisba waa drag and Drop. Dabcan Marka aad tahay Designer waxaa lagama maar maan ah inaad u shaqayso si xir fadaysan.

Waxaad heli kartaa Template diyaarsan oo haana free ah halka kuwo adigu aad leedahay aad diyaarsan karo taas oo kuu sahlaysa inaad page dhan ku samaso whakhti kooban

Q4 Customer ka oo si fudud wax uga baali kara

Qodob kaan waa qodob kaliya ee aan dhihi karo website yada ku dhisan  codes ka waa looga  fiican yahay, Tusaale ahaan marka web lagu shisay Code aad ku wareejiso macliil kaagaagii xaqiiqatan waxaa ku adkaanaysa in uu si fudud u Customize Garasyto oo qofkaasi mar walba wuxuu u bahanaanayaa  qof Developer ah.

Qodobkaan dad badan oo Developer ah ayaa uga faa iidaysta si kale oo marka ay macaliil kii ku adkaato unuu howlo yar ayr ka qabto mareegtiisii, marlaab hor dhiga xujo kale iyo inuu lacag kale ka sameeyo ama Compeny gaas waydiisto shaqo ku aadan Developer nimo.

Mar walba waxaa haboon in macmiil kaagu ku qanco howsha aad qabanayso oo uu webkii aad u samaysana uu halkaa ka sii wadan karo tani waxay keeni kartaa kasbasho macaamiil badan oo hor leh.

Uga danbayntii marabo inay qormadaydu dheeraato halasaas ayan ku soo gaba gabay nayaa dhowr kaan qodob ee aan u arko qodobada aan ku door tahay WordPress kuwoodii ugu doorka fiicna wallow ay jiraa kuwo kale. Aniga haan waxaan wax ku dhisana waa WordPress. Waxaan ahay  Master WordPress

3 Comments

  1. Nawal Hassan

    Weldone ??

  2. Mohamed

    Aad baad uga hadashay ustaad

  3. C.naasir

    Waa qodobo fiican ugaaas

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *