Samsung Galaxy Watch 5 PRO Review

Samsung Galaxy Watch 5 PRO Review

Samsung Galaxy Watch 5 PRO Review

Saacaddii ugu danbaysay ka soo baxda albaabka shirkada caanka ah ee Samsung. Waxay wakhti ahaan la soo baxday Telefoonkii Z Fold 4 kaas oo aan isgana review ku samayanay laba casho kahor. Saacaddaani waa saacad xarrago sidoo caafimaad kaagana waad kula socon kartaa.

Samsung watch 5 Pro waxay cabir ahaan leg tahay 45mm waxay u muuqataa in ay sacadaaha ka yara wayn tahay laakiin waa meel dhexaad oo gacanta kamana wayna kamana yara rag iyo dumar hadba gacan tii lagu xiro. Sidookale waxaa jirta Watch 5 oo kayar cabir ahaan le egna 41mm waxaan dhihi karnaa waaba mini geedii.

Qaab xirashada saacadaani waa mid ka duwan kuwii hore marka aad xiranayso waxay kaa rabtaa inaad marka hore gacantaada le ekayso kadibna marka aad gacantaada saarto ayaadaa isku dhagaysa oo waa magnad.

Dhanka shaashada hadaan u leexdo oo aan wax ka taabto shaashadeedu waa Super Amoled cabir ahaana waxay dhantahay 1.4 inches. Dahaarka sare ee muraayada shaashadda ka sareeya waa bir xoogaa adag oo logu talagalay in lagu ilaaliyo   muraayaa saacada.

Sida  ay sheegtay shirkada samsung muraayda saacaddaani waxay laba jibaar ka adag tahay ku wii ayada ka horeeyay ee ku nooca ahaa. Waxay kaloo leedahay dhanka shaashada ayaan wili ku jirnaaye inaad laba qaab u is timaali karto.

  • Always on Display oo ah in aadka dhigato mid mar walba daaran oo ay saacadu muuqato sida saacadaha caadiga ah oo kale
  • Iyo inaad ka dhigto mid dansan oo marka aad tabato kaliya active soo noqonaysa. Qaabkaan dabne wuxuu kuu dhaqaalaynayaa batariga oo inta ay dan san tahay dabka ayay kuu kaydinaysaa

Xagga kayda saacad ahaan waa uu wanaagsan kaydka ay ku timid oo waxay leedahay Dual-core clocked at  1.18Ghz with 1.5GB RAM iyo 16 GB oo kaydaka caadiga ah. Kaydka caadiga waxaa ku shuban kartaa sawiro  

Xagga dabka iyo batariga waxay ku soo baxday dab xajiye dhan 590mA taas ka dhigtay batariga saacadan mid xoogaa wayn ku na kordhiyay gabi ahaanba saacadda culays iyo miisaan. Jaajarkeedu waa kuu wii saacadahah hore oo kale laakiin waxay dheer tahay inay qaadanaysao Fast charger ilaa iyo 10w gaaraya  .

Adeegsiga saacadaan waxaa u adeegsan kartaa laba qaaab inaad si caadiya ugu xirato taleefoonkaaga oo u adeegsato so dhicista fariimaha taleefonka iyo ku hadalka iyo inaad is ticmaasho marka uu telfoonkagu kaa maqan yahay oo waxay leedahay    E-SIM waxaa kuu galaya simikaar Digital ah.

Saacadaan  ka ligeedd ayaa laga soo wici kraa waadna ku hadli kartaa oo waxay leedahay sameecad maqal keedu wanaagsan yahay iyo cod gudbiye lamida kan telefoonka. Sidookale waxaad ku xiran kartaa wife ga caadiaga waad na ku la soo dagi kartaa APPs kii aad u baahato dhamaan Application nada ku jiraa waa kuwo waa wayn oo si fiican u muuqda.

Dhanka caafimaadka waa ay kaga wanaagsan tahay ku wii ka horeeyay  oo waxay kuu xisaabinaysaa inta talaabo ee aad qaaday waxay kaloo kuu cari kartaa garaaca wacnaha, waxay kaloo sheegeen masuu liyiintii soo ban dhigayay inay cabiri karto Stress ka qofka haya inta uu le eg yahay iyo inta oxygen ku jirta jirkaaga.

Waxayse ku xumaatay saacaddan Samsung Watch 5 Pro waxaad ku isticmaali kartaa Teleefoonada Samsung oo kaliya hadii aad reer iphone tahay ku ma xiran kartid saacadaan teleefoon kaaga iphone ka

 

Ugu danbayntii xogta sacaadaan waxaan ka soo xiganay dagalka shirkada iyo ilo kale oo u dhadhaw shirkadaa Samsung la guna kalsoon ayah. Xusuusnow mar walba inaan u taganahay soo gudbinta xogta Technology yadda qaybaheeda kala duduwan, Dhiiri galin iyo wiliba ka faaloodka softwares ka.

Comments

No comments yet. Why don’t you start the discussion?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *