Waa Kuma Maal-Qabeenka Dunidu?

Waa Kuma Maal-Qabeenka Dunidu?

Geerida dhaqaalaha ee soo wajahaday badi hantiilayaashii aduunka, dhowrkii Tododaad ee la soo dhaafay  waxay saaxada haltiilanimo soo saartay Bernard Arnault oo hada majaraha u haya xilka maalqabeenka aduunka. Laakiin mida layaabka leh waxay tahay wili inaanay indhaha saxaafada caalamku qaban waayeelkaan reer faransiis, wili waxaa la buun biniyaa Elon musk iyadoo xilkaas wakhtigu ka xayuubiyay. Taasna waxaa loo sababayan karaa in aan qoon waafiya loo lahayn ninkaan hogaanka u qabtay caalamka oo badi wadamada reer yurub xataa lagama yaqaan.

Bernard Arnault oo 73 sano madaaxa ka jaray wuxuu 20 Dec. 2022 kii ayay hantidiisu kor u dhaafatay 180.2 Billion oo doolar wuxayna cadakaas la caged ka ga hormaray Elon musk oo hantidiisu dhamayd 340 Billion oo khasaaro ku yimid awgiis  ku soo fariistay 146.5 Billion

Hadaba waa kuma Bernard Arnault

Bernard Arnault waa ganacsade bilyaneer ah oo Faransiis ah, waana guddoomiyaha iyo maamulaha shirkadda LVMH (Louis Vuitton Moët Hennessy), oo ah shirkadda ugu weyn ee alaabada raaxada. Waxa uu ku dhashay magaalada Roubaix ee dalka Faransiiska sanadkii 1949-kii waxa uuna ka qalin jabiyay kuliyada Ecole Polytechnique ee magaalada Paris isaga oo shahaado injineernimo ka qaatay. Arnault waxa uu shaqadiisa ka bilaabay warshadaha dhismaha, isaga oo u shaqaynayay shirkadda aabbihii, Ferret-Savinel, ka hor intii aanu dhaxlin shirkadda 1978-kii.

Horraantii 1980-meeyadii, Arnault waxa uu bilaabay in uu balaadhiyo danihiisa ganacsi ee ka baxsan warshadaha dhismaha, 1984-kiina, waxa uu la wareegay shirkadda alaabta raaxada, Financière Agache, oo lahayd noocyada Moët & Chandon, Veuve Clicquot, iyo Hennessy. Tani waxay calaamad u ahayd bilawga safarka Arnault si uu u noqdo mid ka mid ah tirooyinka ugu awoodda badan warshadaha alaabta raaxada.

Ka dib markii uu iibsaday Financière Agache, Arnault wuxuu bilaabay inuu helo noocyada kale ee raaxada, oo ay ku jiraan Louis Vuitton, Givenchy, iyo Bulgari. Sanadkii 1987, wuxuu ku daray Financière Agache iyo Louis Vuitton si uu u sameeyo LVMH, taas oo noqon doonta shirkadda ugu weyn ee alaabta raaxada.

Intii lagu jiray 1990-meeyadii iyo 2000-meeyadii, Arnault wuxuu sii waday inuu ballaariyo faylalka summadaha ee LVMH iyada oo loo marayo iibsasho istiraatijiyadeed oo xiriir ah. LVMH waxay noqoto ciyaartoyga ugu sarreeya suuqa alaabta raaxada. Kartida iyo dadaalka Arnault uu l ayimid ayaa lagu tiriyaa inay in ay ka dhigtay shirkada LVMH Shirkad heer calami ah.

Arnault waxaa loo arkaa mid ka mid ah ganacsatada ugu guulaha badan uguna awoodda badan adduunka. Waxa uu sannado badan ku jiray liiska dhexe ee maal qabaneenada aduunka hadase waa ninkaas madaxa la soo kacay in looga danbayn doonana laba cali isma way diinayso oo aduun waa isdaba yaal

Guud ahaan Bernard Arnault waxaa si weyn loogu aqoonsan yahay ganacsade aragti dheer, kaas oo u beddelay LVMH boqortooyo qaali ah iyada oo loo marayo iibsiyo istaraatiijiyadeed iyo is-dhexgal taxane ah, taas oo ka dhigaysa shirkadda raaxada ee ugu weyn uguna faa’iidada badan adduunka.

Gunaanadka maqaalkaan akhriste uma qorin maqaalkaan inaan ninkaas ku bun-buuniyo ee waxaan ugu talagalay inaan kugu dhiiri galiyo oo dadaalaa xaaji cabaas waa gaaraaye aan ku dhaho ka kac fadhiga. Tan labad waxay tahay maadaama aan halkaan ku soo gudbino maqaalo dhiiri galin kuwo ku saabsan ganacsiga iyo wiliba waxbarasho in aan kula soo wadaago is badalada jira.

Mar balaad iyo mar sadexaadba waad ku mahadsan tahay Akhrinta maqaalkaan

Comments

No comments yet. Why don’t you start the discussion?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *